Allbanaadir.com
NEWS

Milatariga Soomaaliya oo howlgal qorsheysan sameeyay iyo taliyaha ciidanka oo ka hadlay

Guutooyin katirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgalo amni ka sameeyay degmada Ruun Nirgood iyo deegaanka Hilowle Gaab oo katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Goobahan ciidanka howlgalka ka sameeyeen ayaa horey waxaa ugu sugnaa dagaalamayaal katirsan Al Shabaab, waxaa sidoo kale waddooyinka gala deegaankaasi kana baxa la galiyay miinooyin badan.

Ciidamada ayaa inta howlgalka wadeen waxa ay soo saareen miinooyin badan oo kooxda Al Shababa galiyeen hareeraha waddooyinka, kuwaa ay ugu tala galeen in ay ku waxyeeleeyaan ciidanka dowladda.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin Cadow ayaa warbaahinta dowladda u sheegay howlgalka ciidanka sameeyeen uu guul kusoo dhammaaday, waxa uuna xusay in howlgal kale oo baaxad weyn uu bilaabanayo.

Howlgalkan ay sameeyeen ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa imaanaya xilli la filayo in si toos ah dhawwaan u bilowdo howlgal la doonayo in Al Shabaab looga saaro degmooyinka Ceelbuur, Galhareeri iyo deegaannada hoostaga degmooyinkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jamaal Qaasim oo Qoraal deg deg ah kasoo saaray Shaqo joojintii lagu sameeyay (Akhriso)

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Geerida caawa ku timid Sheekh Nuur Baaruud

Cabdi Cade

Akhriso Magacyada iyo Qabiilada Taliyaasha iyo Agaasimayaasha uu Magacaabay Madaxweyne Farmaajo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---