Ciidamo hubeysan oo u abaabulan qaab beeleed ayaa aag cusub oo dagaal ku furay maamulka madaxweyne Biixi, kuwaa oo hadda dagaal fool ka fool ah la galay ciidamada Somaliland kana dilay askar badan.
Jabhadan oo ku sugan buurta la yiraahdo Gacan Libaax ayaa kasoo jeeda beesha Garxajis Isaaq, waxa ayna jabhadan si weyn uga soo horjeedaan muddo kororsiga uu sameestay madaxweyne Muuse Biixi iyo habka doorashada loo maamulayo.
Weerar gaadmo ah oo jabhadan shalay ku qaadeen ciidamop katirsan booliiska Somaliland ayey ku dileen 9-askari halka ay ku dhaawaceen 17 askari oo kale, waxa ayna furteen hub ,iyagoo sidoo kale askar nool qabsadeen jabhada.
Taliyaha booliska Somaliland Maxmed Adam Saqadhi ayaa sheegay in ciidamada booliiska markii hore aysan ammar ku qabin in ay jabhada weeraraan, waxa uuna hadda cadeeyay in ammar buuxa loo siiyay in ay weerar iyo dagaal la galaan jabhada hubeysan.
Dhinaca kale wasiirka arrimaha Gudaha ee Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in jabhada hubeysan ay taabacsan yihiin guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cirro, waxaana uu sheegay in jabhaddu ay tahay mid xiriir dhaw la leh Guddoomiyaha Waddani, oo ay u badan yihiin qaraabadiisa.
Jabhadda buurta Gacan Libaax saldhigga ka dhigatey ayaa u badan beesha Garxejis Isaaq , waxa ayna jabhadan ku hanjabeyn in ay dagaalami doonaan inta Muuse Biixi joogo, waxaana aagan dagaal ee ku furmay Muuse Biixi noqday mid wel wel hor leh ku abuuray.