Allbanaadir.com
NEWS

Masaajid weyn oo soo dumay iyo Khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac oo ka dhashay

Masaajid weyn oo kuyaalla gobol katirsan dalka Nageria ayaa soo dumay, xilli ay gudaha masaajidka ku jireen dad badan oo halkaasi dukashada salaada iyo in ay ku cibaadeestaan u tagay masaajidka.

Roobab mahiigaan ah oo daƔy ayaa la sheegay in uu sabab u noqday in masaajidka saqafkiisa kore uu soo dumo, waxaana xilliga masaajidka soo dumayay aheyd xilligii salaada Casar.

Inta la xaqiijiyay masjidka soo dumay waxaa ku dhintay dad gaaraya sideed qof ,halka ay ku dhaawacmeen 11-qof oo kale, dadka dhintay waxaa ku jira nin indhoole ahaa iyo sidoo kale carruur.

Afhayeen lagu magacaabo Mallam Abdullahi Aliyu Qwarbai ayaa warbaahinta u sheegay in masjidka dumay uu dhaliyay khasaaro badan, waxa uuna xusay in hadda masjidka laheyn meel laga galo qoraxda iyo roobka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin la dhashay Masuul ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo caawa la dilay

Caydiid Ali

Dowladda oo Shaacisay magacyada iyo xilalka ay hayeen Saraakiil laga dilay Al Shabaab

Cabdi Cade

Sacuudiga oo ku dhawaaqay dhalashada bisha Ramadaan iyo dalal badan oo ku raacay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---