Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Deni oo Qardho u jooga xalinta dhibaato sanado badan soo jiitameysay

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Yaasiin Cismaan Keenadiid oo ah xubin ka tirsan Golaha Maamulka Gaadiidka iyo Jidadka ee Gobolka Minnesota dalka Mareykanka.

Yaasiin Cismaan Keenadiid ayaa maalmahan booqasho ku joogay Puntland, isagoo kulamo kala duwan la qaadanayey qeybaha bulshada.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa gaarey magaalada Qardho.

Wararku waxay sheegayaan in Madaxweyne Deni dhawr maalmood ku sugnaan doono magaalada Qardho, kulamo la qaadan doono bulshada magaalada.

Sanadkii 2020 ayaa biyo xoog badan magaalada ku soo rogmadeen kuwaasoo geystey khasaaro baaxad leh, tan iyo sanadkaas laba jeer oo kale ayaa biyo ka yar kuwii hore ku soo rogmadeen kuwaas oo geystey khasaaro.

Soomaaliya oo dhan ayaa looga soo gurmadey magaalada Qardho, waxaana ilaa hadda u yaala lacag badan oo aan waxba looga qaban biyaha magaalada ku soo rogmada.

Deni ayaa hadda wada qorshihii biyaha looga maareyn lahaa magaalada, waxaana uu wadatashi la sameyn doonaa bulshada sida ay sheegta madaxtooyada Puntland.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si weyn loogu soo dhaweeyay Tanzaaniya (Sawirro)

Cabdi Cade

WHO oo shaacisay Warbixin ka nixisey dadka la ildaran cudurka Coronavirus

Caydiid Ali

Dib u dhac ku yimid shirkii jaraa’id ee Wasiirka Arrimaha dibeda Somalia (Sababta)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---