Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Farmaajo oo xulka degmada Waaberi guddoonsiiyey Koobka Degmooyinka G/Banaadir (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay xulka degmada Waaberi hanashada Koobka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo sannadkii 2-aad oo xiriir ah ay ku guuleysteen.

Ciyaarta kama dambeysta ah ee tartanka ciyaaraha degmooyinka Gobolka Banadir oo xilli habeennimo ah la qabtay ayaa waxaa ka qeybgalay daawashadeeda kumannaan shacab ah, iyadoo kooxda degmada Waaberi ay 1:0 kaga guuleysteen xulka degmada Shibis.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku ammaanay xulka degmada Shibis dadaalka ay muujiyeen iyo sida ay ugu soo dhabar adayggeen in ay soo gaaraan ciyaarta kama danbeysta ah.

Madaxweyne Farmaajo oo shahaadooyin maamus ah guddoonsiiyey qaar ka mid ah taliyeyaasha Ciidanka Booliska ee ku hawlannaa tartanka tan iyo markii uu bilowday, ayaa ku bogaadiyey sida ay u muujiyeen nabadda iyo horumarka Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa u mahad celiyey Wasaaradda Dhallinyarada iyo ciyaaraha, masuuliinta heer Federaal iyo heer gobol  ee ka qeyb qaatay qabsoomidda Koobka Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo la sheegay in lacago laaluush ah siiso booliiska Kenya si ay …

Cabdi Cade

Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii Beled Xaawo & Taliska ciidamada XDS oo..

Caydiid Ali

Madaxweyne Yoon Suk Yeol oo saakay la xiray iyo dambiyada loo heesto oo la …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---