Hogaamiyaha talada afgambiga kula wareegay ee Niger Gen Abdourahmane Tchiani ayaa magacaabay gole wasiiro isagoo ka dhago adaygay baaqyada madaxda gobolka ee ahaa in dib loo soo celiyo madaxweynihii xilka laga tuuray ee Mohamed Bazoum.
Golaha wasiirada ayaa lagaga dhawaaqay TV-ga dawladda saacadu markay ahayd 00:30 GMT (01:30 wakhtiga maxaliga ah) maanta oo khamiis ah .
Xukuumadda cusub ayaa ka kooban 21 wasiir oo ay ku jiraan labo wasiiru dowle iyo wasiir ergo ah.
Dhinaca kale, Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in Maraykanku kula xisaabtami doono milateriga talada dalka Niger la wareegay badbaadada Madaxweynaha sida dimuqraadiga ah loo doortay ee Mohamed Bazoum, qoyskiisa, iyo xubnaha dawladda ee la xiray.
“Maraykanku waxa uu ku biiray ururka ECOWAS ee ku baaqaya soo celinta nidaamka dastuuriga ah ee Niger,” ayuu ku yiri Blinken bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka.
Mareykanka ayaa dhawaan hakiyay qaar ka mid ah barnaamijyada gargaarka dibadda ee Niger ka dib markii milatariga uu afgambiyay madaxweynihii sida dimuqraadiga ah loo soo doortay.
Urur goboleedka Galbeedka Afrika ayaa amar ku bixiyay in la hawlgeliyo ciidamo heegan ah oo suurtogal ah in loo adeegsado howlgal ka dhanka ah milatariga talada dalka Niger la wareegay bishii July, iyagoo sheegay inay doonayaan in si nabad ah dib loogu soo celiyo dimoqraadiyada balse dhammaan fursadaha oo ay ku jiraan xoog ayaa miiska saaran.
“Maraykanku waxaa uu qadarinayaa go’aanka ECOWAS ee ah inay sahmiyaan dhammaan fursadaha xal nabadeed loogu heli karo dhibaatada,” ayuu intaas ku daray Blinken.