Allbanaadir.com
NEWS

Masuuliyiinta cusub ee loo doortay Maamulka SSC oo xilka la wareegay (Sawirro)

Waxaa magaalada Laascaanood lagu dhaariyey Hoggaamiyaha Golaha Fulinta ee Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali iyo Ku-xigeenkiida Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil Shiine.

Munaasabadan oo sidoo kale ahayd mid xil wareejin ah waxaa si buuxda mas’uuliyaddii ay hayeen Hoggaanka cusub ugu wareejiyey Guddidii Aayo-Ka Tallinta SSC-Khaatumo ee 33-da ahaa, waxaana xilka wareejiyey Gudoomiyihii Guddida Sheekh Maxamuud Salaad.

Waxaa munaasabaddan goobjoog ka ahaa Golaha Sare ee Dhaqanka SSC-Khaatumo, Siyaasiyiin, cuqaal iyo qeybaha kale ee bulshada.

Hoggaamiyaha Golaha Fulinta ee Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali iyo Ku-xigeenkiida Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil Shiine ayaa dhowaan lagu doortay Shirweyne ka dhacay magaalada Laascaanood.

Talaabadan ayaa ku soo aadeysa xili aan weli xal loo helin khilaafka sababay dagaalada muddada 3da bilood ka badan ku dhexmaraya Laascaanood ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka ee SSC, lamana oga sida masuuliyiintan cusub ay u wajihi doonaan wax ka qabashada xaalada magaaladaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maraykanka oo qirtay dad rayid ah oo ku geeriyooday duqeymo ka dhacay Somalia

Caydiid Ali

Khilaaf soo kala dhex galay Guddoomiye Jawaari iyo Xildhibanadaii taageersanaa qaarkood

Caydiid Ali

Masuul ka tirsanaa Midowgii Maxaakiimta oo ka hadlay dagaalka ka dhan ah Shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---