Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xogta kulan Kismaayo ku dhexmaray Guuleed iyo Axmed Madoobe (Sawirro)

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Wadahadallada DFS iyo SOMALILAND Mudane Abdikarim Hussein Guled  ayaa xalay kullan wadatashi oo muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Dowladd Goboleedka JUBALAND Mudane Ahmed Mohamed Islaam (Madoobe).

Kullankaas ayay ku gorfeeyeen labada dhinac sida ugu wanaagsan ee lagu heli karo Wadahadallo mirra-dhal ah oo lala yeesho Somaliland sida lagu sheegay xafiiska Ergayga Gaarka ah ee DF u qaabilsan arrimaha Somaliland.

Ergeyga ayaa Madaxweynaha uga warbixiyay ujeedka socdaalkiisa iyo ahmiyadda ay ku fadhiyaan wadatashiyadaani, waxaana uu Madaxweynaha la wadaagay aragtiyo iyo tallooyin bud-dhig u noqon kara Wadahadallada DFS iyo SOMALILAND.

Guuleed ayaa Madaxweynaha u Mahadcelinayay sida wanaagsan oo ay ugu soo dhaweyeen shacab iyo Dowladba Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Dowladd Goboleedka Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladaha Talyaaniga iyo Masar oo kawada hadlay Dilkii loo geestay Giulio Regeni

Cabdi Cade

Saraakiil loo xiray tacadi lagula kacay qaar ka mid ah Suxufiyiinta Muqdisho

Caydiid Ali

Hogaamiyeyaasha labada Kuuriya oo yeelanaya kulankii ugu horeeyey ee fool ka fool ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---