Allbanaadir.com
NEWS

Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Jalalaqsi & Masuuliyiin ku naf waayey (Sawirro)

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan qarax ismiidaamin ah oo galabta casar gaabadkii ka dhacay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan kaasoo geystay Khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxan ayaa yimid ka dib markii nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu isku miidaamiyey maqaayad shaaho laga cabo oo ku taalla degmadaas.

Waxaa Maqaayada ku sugnaa dad shacab ah iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Jalalaqsi oo uu ku jiro Guddoomiyaha degmadaas iyo ilaalo hubeysan oo la socday.

Weli si rasmi ah khasaaraha dhabta ah ee qaraxaas hase ahaatee wararka qaarkood ayaa sheegaya in qaraxaad ay ku dhinteen dhowr qof oo uu ka mid ahaa Gudoomiyihii dhalinyarada iyo arrimaha bulshada degmadaas Maxamed Dhegacadde.

Dad kale oo badan ayaa ku dhaawacmay qaraxaas kuwaasoo iskugu jiray masuuliyiin iyo shacab goobtaas ku waa sugnaa, waxaana jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in dadka dhaawacmay uu ku jiro Gudoomiyihii Maamulka degmada Jalalaqsi Nuur Dheere.

Ma jiro ilaa hadda war ku saabsan qaraxan oo ka soo baxay maamulka gobolka Hiiraan iyo dowlad goboleedka Hirshabelle, waxaana masuuliyada sheegtay sida looga bartay kooxda Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Waxbarashada oo shegay iney joojiyeen ceebeynta dad ku kacay arrin ka yaabisay

Caydiid Ali

Labo Nin oo Sannado badan u xirnaa dilkii halyey Malcom X oo Lacag Magdhaw ah la siinayo

Cabdi Cade

Farmaajo oo War ka soo saaray doorashada Gudoonka cusub ee Golaha shacabka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---