Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Mid ka Mid ah Wasaaradaha DF oo xarun cusub loo dhisayo & Xamse oo Dhagax-dhigay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Xarunta cusub ee ay yeelan doonto Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqal Insaanka oo lagu dhisaayo iskaa-wax-u qabso.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhismaha xarunta maanta la dhigax-dhigay uu ka tarjumayo dadaalka Wasaaraddu ay ugu jirto u adeeggidda bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa xusay in Soomaaliya ay ku socoto jidkii horumarka iyo dib-u-soo kabashada, isla markaana xilliyada dhow la qorshaynayo in Wasaaradaha oo dhan ay yeeshaan xarumo waaweyn oo casri ah oo dalka iyo dadka loogu adeego.

Xaruntan Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ayaa noqoneysa tii ugu horreysay ee ay yeelato wasaaradda, maadaama ay haatan la deggan tahay dhismaha wasaaradda warfaafinta. Waxaana Ra’iisul Wasaaruhu uu ku bogaadiyey dadaalka ay ku bixiyeen in ay wasaaraddu yeelato xarun dhexe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Wasiirrada Puntland oo ansixiyay xeerar iyo Miisaaniyadda Sannadka dambe

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Weerar culus Al Shabaab ku qaadeen Duleedka Baledweyne

Cabdi Cade

Markabkii sahminta Shidaalka oo Muqdisho soo gaaray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---