Taliska booliiska ayaa isbedel ku sameeyay qaar badan oo kamid ah Taliyaasha saldhigyada degmooyinka gobolka Banaadir, kadib markii uu sii xumaaday amaanka Caasimada maalmihii lasoo dhaafay.
Sida aan Wararka ku heleyno waxaa xilka laga qaaday Taliyaasha sagaal kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir , waxaana taliyaashan lagu bedelay taliyaal cusub oo u badan dhalinyaro.
Taliyaasha xilalka laga qaaday ayaa kala ah taliyaashii saldhigyada degmada Kaxda, Waaberi, Warta Nabada, Xamar-jajab, Heliwaa, Shibis iyo Dharkeyley, waxaa sidoo kale la filayaa in taliyaasha haray qaarkood iyana la badalo.
Isbadalkan lagu sameeyay taliyaasha saldhigayada booliiska gobolka Banaadir ayaa imaanaya xili dhawaan la isku daray ciidamada booliiska iyo Nabad sugida G/Banaadir, waxaana xil ka qaadista taliyaashan loo aaneenayaa amaan xumida kusoo korortay Muqdisho
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com