Allbanaadir.com
NEWS

Weerar culus oo lagu qaaday saddex xarumood oo Al Shabaab ku lahaayeen Galhareeri

Wararka ka imaanaya degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in goordhaw weerar dhinaca cirka ah lagu qaaday xarumo  muhiim ah oo kooxda Al Shabaab ku lahaayeen qeybo kamid degmadaasi.

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya ayaa goordhaw xaqiijiyay weerar ay iska kaashadeen ciidanka qalabka sida iyo kuwa caalami ah laga fuliyay degmada Galhareeri oo gacanta ugu jira Al Shabaab.

Weerarka lagu qaaday Galhareeri ayaa la sheegay in lagu beegsaday saddex goobood oo saraakiisha dowladda ku sheegeen garaash lagu diyaarinayay waxyaabaha qarxa , keydka hubka iyo sidoo kale xarun agab caafinaad iyo daawooyin u yaaleen Al Shabaab.

Warbaahinta dowladda war lagu daabacay ayaa lagu sheegay in weerarka lagu bur buriyay gaadiid badan oo Al Shabaab ku diyaarinayeen waxyaabaha qarxa ,sidoo kale la bur buriyay xaruntii keydka u aheyd Al Shabaab.

Weerarkan ayaa la sheegay in uu ka dhashay khaasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxa ayna masuuliyiinta dowladda sheegeen in ay dib ka faah faahin doonaan khasaaraha weerarkan ka dhashay.

Duqeyntan ka dhacday degmada Galhareeri ayaa imaaneysa xilli hadda socdaan abaabul xooggan howlgal ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ku doonayaan in ay Al Shabaab kaga saaraan degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri oo gacanta Al Shabaab ku jira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shiikh Max’uud Caraale oo lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Wasiirka Gaashaandhiga oo kulan la qaatay Saraakiil ka socotay Midowga Yurub (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Weerar lagu qaadi lahaa Beerta Nabadda oo la fashiliyay iyo Jaakado qaraxyo ah oo la qabtay (Sawirro)

Cabdi Cade