Allbanaadir.com
NEWS

Dhaqtar katirsanaa kooxda Al Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka dowladda (Sawirro)

Ciidanka milatariga Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee ku sugan degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud, ayaa waxaa isku soo dhiibay nin dhaqtar ah oo katirsanaa dagaalyahananda Al Shabaab ee ku sugan gobolka Galgaduud.

Ninkan oo lagu magacaabo Cabdi Cabdullaahi ayaa sheegay in uu muddo sannado ah katirsanaa kooxda Al Shabaab, waxa uu sheegay in Al Shabaab u qaabilsanaa daaweynta dagaalyahannda  dhaawacyada soo gaaraan iyo la socodka xaaladooda.

Waxa uu sheegay ninkan in uu goáansaday in uu isaga soo baxo kooxda Al Shabaab uu lix sanno katirsanaa, waxa uuna xusay in Al Shabaab dagaalka ay ku jiraan uusan aheyn jihaad ayna caadeesteyn dilka dadka shacabka ah.

Dhawwaan ayaa sidan oo kale ciidamada dowladda usoo bandhigeen dagaalyahanno katirsanaa Al Shabaab oo kasoo goostay kooxdaasi iskuna soo dhiibay ciidanka dowladda ee ku sugan deegaanno katirsan gobolka Galgaduud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahin: Madaafiic lagu weeraray xaafado ka mid ah Magaalada Baladweyne

Caydiid Ali

Laamaha amniga DF oo kulan deg deg ah iskugu yimid (Sawirro)

Caydiid Ali

Dalka Masar wax badan oo aan horey u ogeyn ayaa hadda ka soo bartay!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---