Allbanaadir.com
NEWS

Abuu Mansuur oo ka hadlay in akoonsiisa lagu shubay 5 Milyan oo dollar baarisna dalbaday

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee dowladda Federaalka Mukhtaar Rooboow ayaa been abuur ku tilmaamay in la musuq maasuqay howlihii xajka ,sidoo kale aan xujeyda loogu adeegin si wannaagsan.

Abuu Mansuue ayaa sidoo kale beeniyay in uu sameeyay musuq maasuq iyo wax isdaba marin uuna akoonkiisa gaarka ah ku shubtay lacag gaareysa $5 milyan oo dollar, waxa beeniyay in uuba leeyahay akoon bangi oo u gaar ah.

“Waxaad maqasheen wax badan wasiirkii akoonkiisa shan milyan oo dollar ayaa ku jirta iyo lacag ayuu musuq maasuqay, horta wasiirku akoon ma leeyahay.. marka hore? mise ku jirta intaas ” ayuu yiri Abuu Mansuur Roobow.

Wasiirka ayaa si cad u sheegay haddii ay jiraan eedeymaha musuq ee isaga iyo wasaaradiisa lagu soo eedeeyay in ay diyaar u yihiin in baaritaano ku sameeyaan hay’adaha dowladda ee arrintan khuseyso.

“Haddii ay jirto lacag qalloocan, ama wasaaraddu ay qabto ama wasiirku uu qabo, waxaan codsanayaa in ha’adaha ay khuseyso inaysan berri subixii la dhaafin inay soo afmeeraan oo ogaadan wax ka jira meeshan. Soo dhawaada, lacagta intaas la eg.. Dowladdu soo Xisaabiye maleh? Soo Hantidhowre maleh? Soo wasiiir maaliyadeed maleh? Haddii nin kasta oo wasiir noqda uu shan milyan bankiga gashan karo muxuu Ra’isul Wasaaruhu qabanaya?” ayuu yiri wasiir Roobow.

Baraha bulshada ayaa si weyn loogu baahiyay eedeymo la xiriira in lacago badan looga qaatay shirkadihii ku guuleestay adeegga Xaj ,sidoo kale shirkadahaasi qaab musuq maasuq ah lagu siiyay adeegga Xajka.

Related posts

Qorshe Xilka looga qaadayo Taliyaasha Ciidamada Milatariga ,Booliiska & NISA oo la diyaariyay

Cabdi Cade

Maamulka G/Hiiraan oo War ka soo saaray qaraxyadii ka dhacay Buulo Burde & Jalalaqsi

Caydiid Ali

Elon Musk oo sabab yaab leh shaqada kaga eryey nin ka tirsanaa shaqaalaha Twitterka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---