Deegaanka Mareergur oo hoos taga magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa lagu soo bandhigay maleeshiyaad hubeysan oo u diyaarsan in ay dagaal la galaan kooxda Al Shabaab.
Maleeshiyaadkan oo la isaga keenay deegaanada dhaca inta u dhaxeysa Dhuusamareeb ilaa Xarardheere ayaa hubeysan hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana loo diyaariyay in ay qeyb ka noqdaan howlgalka lagu xureenayo deegaanno Al Shabaab maamulaan.
Maleeshiyaadkan lasoo bandhigay waxaa booqasho dhiiragelin ah ugu tegay masuuliyiin ka kala tirsan goleyaasha dowladda federaalka, dowlad goboleedka Galmudug iyo saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Masuuliyiinta iyo saraakiisha ayaa ciidankaan kula dar-daarmay inay ka qeyb qaataan dagaalka Al Shabaab looga xoreynayo Soomaaliya, dhankooda hoggaamiyeyaasha ciidankaan is abaabulay ayaa balan-qaaday inay doorkooda ka qaada doonaan ciribtirka Al Shabaab.