Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Xogta kulan Axmed Madoobe la qaatay Hay’adda Badroolka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Kismaayo kulan kula qaatay xubnaha Hay’adda Badroolka Soomaaliya oo uu hogaaminayay Guddoomiyaha Hay’ada Eng Cabdiqaadir Aadan Maxamuud.

Axmed Madoobe ayaa mas’uuliyiinta Hay’ada ka dhagaystay warbixin la xiriirta halka ay marayso shaqada Hay’adda.

Jubbaland waxaa ku yaalla laba xirmo oo ka mid ah todobada Xirmo ee shirkadda caalamiga ah ee Coastline ay dawladda Soomaaliya kula heshiisay iney ka baaraan shidaalka.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam axaa waxaa kulanka ku wehelinayay Wasiir ku Xagaanka Wasaarada Badroolka iyo Macdanta Jubbaland Maxamed Deeqoow Xuseen iyo Guddoomiyaha Degmada Kismaayo Cumar Cabdullahi Maxamed.

Related posts

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulan la qaatay Hayrettin Gungor & Wafdi uu horkacayo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidanka Nabad-galayada oo bilaabay sumadeynta Waddooyinka Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Itoobiya oo bilowday buuxinta biyo xireenka Wabiga Niil iyo Sawiro laga soo qaaday (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---