Madaxwaynihii xilka laga tuuray ee Niger oo xabsi guri ku jira ayaa waxaa soo wajahay xaalada adah ka dib markii ay gabaabsi ka noqotay cuntada, waxaana uu ku jira xaalad aad u liidata laba todobaad ka dib markii xilka lagaga tuuray afgambi militari sida uu sheegay la taliyihiisa gaarka ah.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa walaac xooggan ka muujisay “xaalado sii xumaanaya ee nolosha Madaxweynaha.
Madaxweyne Mohamed Bazoum, hogaamiyaha sida dimuqraadiga ah loo soo doortay ee galbeedka Afrika, ayaa lagu hayaa qasriga madaxtooyada ee caasimada Niamey isaga iyo xaaskiisa iyo wiilkiisa tan iyo markii ay askartu xilka ka tuureen 26-kii July.
Qoyskan ayaa ku nool koronto la’aan waxaana u haray oo kaliya bariis iyo alaab gasacadeysan oo ay cunaan, ayuu yiri la taliyaha. Bazoum ayaa la sheegay inuu caafimaadkiisa wanaagsan yahay hadda waligeedna isma casili doono, sida laga soo xigtay lataliyaha.
Xisbiga siyaasadeed ee Bazoum ayaa soo saaray bayaan ay ku xaqiijinayaan xaaladda nololeed ee madaxweynaha waxayna sheegeen in qoyska sidoo kale ay biyo la’aan yihiin.
Xoghayaha Arimaha Dibada ee Maraykanka Antony Blinken ayaa Bazoum kala hadlay Talaadadii dadaaladii dublamaasiyadeed ee u dambeeyay, bayaan ayaa lagu yiri, Blinken “wuxuu carabka ku adkeeyay in badbaadada iyo amniga Madaxweyne Bazoum iyo qoyskiisa ay muhiim tahay. Warka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka Arbacadii ayaa lagu sheegay in si deg deg ah loo sii daayo.
Toddobaadkan, taliska cusub ee militariga Niger ayaa qaaday tillaabooyin ay iskula jaan-qaadayaan awoodda waxayna diideen dadaallada caalamiga ah ee dhexdhexaadinta. Arbacadii, milateriga ayaa ku eedayay gumaystihii hore ee Faransiiska inuu isku dayay inuu khalkhal geliyo dalka, ku xad-gudbo hawadeeda xiran iyo inuu sumcad-xumo u geysto hoggaamiyeyaasha talada haya.
Isniintii, golaha militariga ayaa magacaabay ra’iisul wasaare cusub, dhaqaaleyahan rayid ah Ali Mahaman Lamine Zeine. Zeine waa wasiirkii hore ee dhaqaalaha iyo maaliyadda oo xilka ka tagay ka dib afgambi hore oo dhacay 2010-kii oo lagu riday dowladdii xilligaasi jirtay. Ka dib waxa uu ka soo shaqeeyay Bangiga Horumarinta Afrika.
Urur goboleedka galbeedka afrika ee ECOWAS waxay ku hanjabtay inay adeegsan doonto awood millatari haddii milatarigu aysan dib u soo celin Bazoum Axadda, hase ahatee waqtigaas kama dambaysta ah ayey milatarigu iska indhatireen iyadoo aaney tallaabo qaadin ECOWAS. Ururka Midowga Yurub ayaa la filayaa in mar kale ay kulmaan Khamiista si ay uga wada hadlaan xaaladda.
Deeq bixiyeyaasha ayaa Niger ugu hanjabay in ay jarayaan boqollaal milyan oo doollar oo kaalmada milatariga ah haddii aysan ku soo laaban xukunka dastuuriga ah.
Cunaqabatayn dhaqaale iyo mid socdaal oo adag oo ay soo rogtay ECOWAS tan iyo afgambiga ayaa sababay in qiimihii cuntada uu kor u kaco ilaa 5%.