Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa looga hadlay kulankii maanta ee golaha shacabka Somalia? (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliyaan labadiisa ku-xigeen ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga Seddaxaad Kulankiisa 15-aad ee Golaha Shacabka.

Kulanka oo ay Xildhibaannadu kaga doodayeen warbxinta akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Hantidhowrka Guud ee Qaranka, ayaa waxay sheegeen in la saxo qodobo madmadow ku jira, kuwaas oo muhiim u ah shaqada Hantidhowrka Guud ee Qaranka, iyadoo Xildhibaannadu mid mid u dul istaageen qodobo ay ka mid yihiin magacaabista iyo xil ka qaadista Hantidhowrka iyo shaqada baaxada leh oo ku jira sharcigan.

Guddoomiye Sheekh Madoobe oo soo xiray kulanka ayaa sheegay in Xildhibaankii asiga oo kulanka socda iska baxa in loo qaadan doono isagoo aan soo xaadirin, waxaana uu Guddoomiyuhu xusay inta uu socdo kulanka Xildhibaannada in In la xaadirin doono sida Xeer-hoosaadka uu qabo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirka Garoowe Maxaa laga filan karaa? fursado iyo caqabado is garab yaalla!

Caydiid Ali

Taliska Booliska Somalia oo faahfaahin ka bixiyey Masuuliyiin loo xiray Musuq

Caydiid Ali

Gudoomiye Dhoobo Daareed oo lagu soo dhaweeyay gobolka uu kasoo jeedo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---