Allbanaadir.com
NEWS

Dowladii labaad oo shaacisay iney ka baxday xubinimadii Heyadda Q/Midoobay ee UNESCO

Heya’adda dhaqanka iyo waxbarashada Qaramadda Midoobay ee loo soo gaabiyo UNESCO ayaa sheegtay inay qoraal rasmi ah ka heshay Israa’iil kaasoo  ay ku go’aansatay inay marto waddadii Mareykanka ayna isaga baxdo xubinnimada hay’adda.

Mareykanka iyo Israa’iil ayaa ka xumaaday qaraaro taxane ah oo hay’adda UNISCO ay mid ka mid ah ugu sheegtay Israa’iil inay Qudus tahay magaalo la heysto oo ay xoog ku heysato.

Israa’iil ayaa leh sagaal xaruma dhaqameed oo qadiimi ah oo ku jira liiska hay’adda UNISCO ee waxyaabaha qadiimiga ee caalamka, waxaana ka mid ah xarunta King Herod oo horey loogu yaqiinay Masada, kuna taala xadka Israa’iil iyo Urdun Dead Sea.

Madaxad hay’adda UNISCO Audrey Azoulay, ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay go’aanka Israa’iil ay ug baxday xubinimada hay’adda.

Maraykanka iyo Israa’iil ayaa horey u sheegay in ay ka baxayaan hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqanka ee UNESCO oo ay ku eedeeyeen waxa ay ku sheegeen in ay ka xagliso Israa’iil.

Wasaaradda arimaha dibadda Maraykana ayaa sidoo kale waxay eedaha loo soo jeediyey ee ah in aanay muddo lix sanadood ah bixinin qaaraankii ku waajibay ee ururkaa la siin jiray kaga jawaabay in sababta ay u joojisay tahay xubinnimada hay’addaa laga siiyey maamulka Falastiiniyiinta.

Go’aankani ayaa la sheegay inuu tusaale u ahaa dhaleecaynta madaxweyne Trump ku hayo dhaqaalaha dalkiisu siiyo hay’adaha UNka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Q/Midoobay oo si diiran u soo dhoweysay hadal ka soo yeeray kooxda Xuutiyiinta Yemen

Caydiid Ali

DF oo ka hadashay dagaalo culus oo ka socda degaanada Oobaale & Ciid-ciidka

Caydiid Ali

Xiliga la qabanayo Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---