Allbanaadir.com
NEWS

Muhaajiriin badan oo kusii jeeday Qaarada Yurub oo ku geeriyooday Jasiirada Lampedusa

Inta la xaqiijiyay 41 qof ayaa geeriyootay, afar kalena wey badbaadeen, kadib, markii Doonidii ay la socdeen ku degtay meel ka baxsan Jasiirada Lampedusa ee dalka Talyaaniga.

Afarta qof ee ka badbaaday Shilkaasi ayaa sheegay inay Doonida la socdeen 45 qof, oo 41 ka mid ah ay geeriyoodeen, kuwaasi oo 3 ka mid ah carruur ahaayeen.

Markab Xamuul oo marayey Gacan-biyoodka Jesiirada Sicily ayaa soo badbaadiyey Afarta qof, kuwaasi oo loo sii gudbiyey Lampedusa.

Wakaallada Wararka Talyaaniga ee ANSA ayaa sheegtay in Doonida qalibantay ay ka soo shiraacatay Xeebaha magaalladda Sfax ee dalka Tunisia oo 130 KM u jirta Jesiirada Lampedusa ee dalka Talyaaniga.

Dhanka kale, Afhayeenada Ururka Bisha Cas ee Talyaaniga, Alessandra Filograno ayaa xaqiijisay in Afarta qof ee badbaaday ay saakayto oo Arbaco ah soo gaareen Xarunta Qaabilaada Qaxootiga ee Jesiirada Lampedusa.

Waxay kaloo xustay in dadka la badbaadiyey oo u dhashay dalalka Ivory coast iyo Gini ay kala ahaa 2 Nin, Haweeney iyo qof yar oo aan weli qaan-gaarin.

 

Related posts

Ganacsade goor dhow lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Madarasada Daarul Basiira online oo War galin Muhiim ah u heysa Qurbo joogta Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Yaa fuliyay Duqeyntii Diyaaradeed ee lagu dilay C/xakiim Dhuqub (War Saxaafadeed)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---