Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Muuse Biixi oo kulan la qaatay qaar kamid ah Ururada Siyaasadda Somaliland (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulan ujeeddadiisu ahayd dardar-gelinta arrimaha doorashooyinka iyo amniga guud ee dalka la yeeshay qaar kamid ah ururada siyaasadda ee waddanka.

Kulankan, ayaa diiradda lagu saaray sidii wada-jir loogu diyaar garoobi lahaa doorashada tartanka ururradda siyaasadda ee ay kusoo bixi doonaan saddexda xisbi qaran ee Tobanka sanno ee soo socda.

Waxaa sidoo kale oo laga wada hadlay kulanka sidii ay xasilooni ugu qabsoomi lahaayeen doorashooyinka xisbiyada iyo mida madaxweynaha ee la qorsheeyay in ay qabsoomaan .

Kulan madaxweyne Muuse Biixi la qaatay qaar kamid ah ururada siyaasadda ayaa waxaa ka maqnaa madaxda xisbiyada Waddani iyo UCID ,kuwaa oo horey u diidanaa habka doorashada loo maamulayo.

Related posts

Kheyre oo Qado loogu sameeyay Geed hoostiisa Codsina u diray Reer Dhuuso Mareeb (Sawirro)

Cabdi Cade

Khubaro Caafimaad oo shaaciyey Xog cusub oo laga helay viruska Corona

Caydiid Ali

Muxuu Tedros Adhanom kaga jawaabay eedeyntii kaga timid dowlada Itoobiya?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---