Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo soo bandhigtay Dagaalyahan katirsanaa kooxda Al Shabaab oo soo goostay

Milatariga Soomaaliya ayaa saakay soo bandhigay dagaalyahan katirsanaa kooxda Al Shabaab, kaa oo kasoo goostay xoogagii uu katirsanaa iskuna soo dhiibay ciidanka dowladda ee ku sugan gobolka Galgaduud.

Warbaahinta dowladda ayaa lagu soo bandhigay Maxamed Coloow Maxamed oo magaciisu afgarashada yahay Mascuud, dagaalyahankan ayaana isku soo dhiibay  guutada Khaalid Binu Waliid ee katirsan ciidanka xoogga dalka.

Ninkan oo kamid ahaa xoogaga Al Shabaab ee ku sugan gobolka Galgaduud ayaa sheegay in uu goáansaday in uu isaga soo tago kooxdaasi, waxa uuna xusay in Al Shabaab aysan diin ku dhaqmeyn ayna dhibaato ku hayaan dadka shacabka ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheeneysa in howlgal loogu magac daray Libaax madow ka bilowdo bariga gobolka Galgaduud ,gaar ahaan degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri ,halkaas oo Al Shabaab si buuxda u maamulaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Akhriso Magacyada, Qabiilada iyo gobollada ay kasoo jeedaan Wasiirrada cusub ee Puntland

Cabdi Cade

(Faahfaahin) Qarax khasaare u geystay ragii watay oo ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Muxuu Xassan Shiikh kala hadlay taliska Milateriga Mareykanka ee jooga Somalia? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---