Caawa fiidkii dalka Tanzania ayaa waxa ka dhacay dhul-gariir, waxaama dhul-gariirkan si weyn looga dareemay deegaan qiyaastii 33 KM dhanka K/Bari kaga toosan Degmadda Ikungi ee Gobalka Singida .
Dhul-gariirkan ka dhacay dalka Tanzania ayaa halbeegiisa lagu sheegay 5.5 Richter Scale, lamana soo sheegin ilaa hadda dad khasaaro dhimasho iyp mid dhaawac uu kasoo gaaray dhul-gariirka.
Warbaahinta dalka Tanzania ayaa ku warantay in dhul-gariirka caawa sababay bur bur soo gaaray dhismayaasha qaar, gaar ahaan waxaa bur buray muraayadaha iyo daaqadaha gaar dhismooyin kuyaalla deegaanka dhul-gariirka ka dhacay.
Dhul-gariirka caawa ka dhacay dalka Tanzania ayaa waxaa sidoo kale laga dareemay deegaanada iyo degmooyinka kala ah: Puma, Itigi, Mungaa, Mtinko iyo Dodoma, mana jiro faah faahin badan oo dowladda ka bixisay dhul-gariirak caawa dhacay.