Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka xoogga dalka oo howlgal ka sameeyay deegaanno Al Shabaab ku sugnaayeen

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo gacan ka helayay kuwa dadka deegaanka ayaa maanta howlgalo ka sameeyay deegaanno hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas ay ku sugnaayeen dagaalamayaal katirsanaa Al Shabaab.

Howlgalka ay ciidanka xoogga iyo kuwa dadka deegaanka sameeyeen ayey ku gaareen deegaannada Maraay Suuleey, Shiikhoow Gaab, Hilowle Gaab, Ciid Kuus iyo Xusseen Cageey oo hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Taliyaha Guutada 17-aad Kumaandooska Gorgor Gaashaanle, Saahid Jaamac Faarax oo howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay in ciidamada bur buriyeen farriisimo dhowr ah oo Al Shabaab ku lahaayeen deegaannada ay howlgalka ka sameeyeen.

Waxa uu sheegay taliyaha in ay sii wadayaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab ee ku sugan deegaanno katirsan Galgaduud ,waxa uuna xusay in ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka ka goántahay cirib tirka kooxda Al Shabaab.

Dowladad Soomaaliya ayaa dhawwaan qorsheneysa fulinta howlgal ballaaran ay ku dooneyso in Al Shabaab looga saaro degmooyinka Ceelbuur , Galhareeri iyo deegaannada hoostaga oo si buuxda ugu jira gacanta kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeney Doorasho uga guuleesatay Ninkii ay xafiisika u nadiifin jirtay iyo Sababta keentay !!

Cabdi Cade

Shir Goordhaw Muqdisho uga furmay Midowga Musharaxiinta (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ciidamada Maraykanka oo u gurmaday Kumandoska Somalia oo la soo Weeraray

Caydiid Ali