Allbanaadir.com
NEWS

Guddoonka labada Aqal oo kawada hadlay Dib u eegista lagu sameenayo Dastuurka KMG (Sawirro)

Guddoomiyaha golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe ) oo ay wehliyaan ku-xigeenadiisa ayaa maanta kulan la qaatay guddoonka Golaha Aqalka Sare ee BJFS.

Kulanka Guddoonka labada aqal ayaa looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta labada gole ee Baarlamaanka dalka, habraaca dib u eegista dastuurka KMG ah ee JFS iyo arrimaha hortabinta u leh shaqooyinka Baarlamaanka 11-aad ee JFS.

Guddoonka labada Aqal Baarlamaanka Federaalka ayaa isla gartay dardar-gelinta howlaha horyaalla baarlamaanka, gaar ahaan dib u eegista Dastuurka lagu sameenayo.

Baarlamaanka labada Aqal ayaa meel mariyay hindise sharciyeedyo kala duwan, waxaana hadda baarlamaanka horyaala wax ka bedel lagu sameenayo Dastuurka dalka u yaalla.

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo markii ugu horeysay ka hadlay dhiibistii C/kariin Qalbi dhagax

Caydiid Ali

Dhageysiga Dacwado ka dhan ah Masuuliyiin ay ku jiraan Koofi iyo Jurus oo socota

Cabdi Cade

Mucaaradka Somaliland oo todoba qodob ka soo saaray dagaalka Laascaanood

Caydiid Ali
Taboola Ads ---