Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay madaxa hay’adda Care International ee Soomaaliya Gary Mackuk iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Kulanka oo ay ka qeybgaleen Wasiirka Qorshaynta, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada iyo La-taliye Madaxweyne, ayaa looga hadlay dardar-gelinta Mashaariicda ay ka wada shaqeeyaan Dowladda iyo Hay’adda Care International, sida Horumarinta Waxbarashada Puntland.
Madaxweyne Deni ayaana ku amaanay hay’adda Care International shaqada ay ka heyso deehaannada Puntland, waxa uuna ku booray madaxa hay’adaasi in ay sii kordhiyaal mashaariicda au ka fulinayaan Puntland.