Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Laftagareen oo maanta furay Kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta furay kal-fadhiga 6aad ee Baarlamaanka 2aad ee Dowladda Koonfur Galbeed.

Madaxwaynaha oo jeedinayay khudbadda dastuuriga ah ee furitaanka kalfadhiga ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in laamaha kala duwan ee dowladda ay si wada jir ah uga mira dhaliyaan hawlaha horyaalla si loo xaqiijiyo himilada shacabka Koonfur Galbeed.

Madaxwayne Laftagareen ayaa Golaha Wakiilada uga warbixiyey waxqabadkii dowladda, dhinacyada amniga, dhaqaalaha, dhismaha golayaasha degmooyinka, hirgelinta mashaariicda hormarineed ee loogu adeegayo bulshada iyo sidii si Wadajir ah looga qeybqadan lahaa Wajiga 2aad ee Dagaalka Dalka lagaga Saarayo  Alshabaab.

Madaxweyne Laftagareen ayaa qiray in golaha wakiillada hawlo aad u culus ay horyaallaan, ayna dowladda xoogga saari doonto sidii loo xaqiijin lahaa xasilinta amniga deeganada Koonfur Galbeed, dib u habeynta garsoorka, dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, iyo Hirgelinta Adeegyada ay ubaahanyihiin Bulshada Koonfur Galbeed.

Related posts

Raisul Wasaaraha Soomaaliya & wafdi uu horkacayo oo caawa ka ambabaxay dalka

Caydiid Ali

Daawo:-Finalkii ugu xiisaha badnaa oo Lasoo gabagabeyay & Rooble oo Ka farxiyay kooxdii guuleysatay

admin

Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Marka oo uu ku wajahan yahay R/W Kheyre & Dilal ku saleysan aanooyin qabiil !!

admin
Taboola Ads ---