Allbanaadir.com
NEWS

Cabasho ka timid Mucaaradka madaxweyne Deni oo loo gudbiyay Maxkamadda Dastuuriga

Maxkmadda dastuuriga ah ee maamulka Puntland ayaa qoraal ku taariikheysanaa maalintii shalay ee 7 Agoosto, 2023, u gudbisey garyaqaanka Guud ee maamulka  Puntland Maxamed Yuusuf Maxamuud.

Qoraalka Maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland oo ku saxiixnaa guddoomiyaha maxkamadda Dr Xasan Yuusuf Nuur ayaa lagu sheegay in cabasho uu qareen ka yahay Abuukate Cabdijaliil Siciid Xaashi isaga wakiil ka ah Madasha ay ku midoobeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Puntland uu jawaab ka soo bixiyo garyaqaanka guud ee Puntland

Cabashada ayaa lagu sheegay in la xiriirto wax ka bedelka dastuurka iyo doorashooyinkii goloyaasha deegaanka, kuma cadda qoraalka maxkmaddu dirtey in muddo loo qabtey garyaqaanku uu ku soo jawaabo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jabhadda ONLF oo eedeyn kulul u jeedisay maamulka gobolka Oromada ee dalka Itoobiya

Caydiid Ali

Dalxiisayaal Ajnabi ah oo soo gaaray magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoorqoor oo kormeeray talisyada ciidamada Galmudug (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---