Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo Mareykanka uga mahad-celiyay dhowr arrin ay ka taageeraan Soomaaliya (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Siihayaha Safiirka ahna Safiir ku-xigeenka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Mudane Shane Dixon, oo ay isla soo qaadeen xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo wajiga labaad ee howlgalka dalka looga xoreynayo Al Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda Mareykanka uga mahadceliyey taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhanka horumarinta, amniga, la dagaallanka Khawaariijta iyo arrimaha bani’aadamminimada.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an tahay Xukuumadda DanQaran dadaallada ku qotoma ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah iyo guud ahaan in dalka looga sifeeyo muddo gaaban maliishiyaadka dadka Soomaaliyeed ka hortaagan nabadda iyo horumarka.

Dhankiisa, Danjire Dixon ayaa ku bogaadiyey Dowladda Soomaaliya dardargelinta dagaalka ka dhanka Khawaarijta iyo qorshayaasha la xiriira barnaamijyada mudnaanta u leh dowladda Soomaaliya.

Related posts

Qatar oo bilowday dedaal lagu kordhinayo xiliga xabad joojinta Xamaas & Israel

Caydiid Ali

Dagaal khasaare geystay oo saaka ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Al Shabaab oo Weerar dhoor Jiho ah ku qaaday Afgooye iyo dagaal culus oo ka dhacay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---