Allbanaadir.com
NEWS

Diyaar garow dagaal oo ka socda Galgaduud iyo Ciidamo badan oo la diyaariyay

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in halkaasi ka socdo abaabulka howlgal la doonayo in Al Shabaab looga saaro degmooyin iyo deegaanno ay ka joogaan gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuusd ayaa la kulmay saraakiil ciidan iyo masuuliyiin ,kuwaa uu kala hadlay bilaabida howlgalada la doonayo in Al Shabaab looga saaro degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri.

Ciidamo badan oo isugu jira milatari iyo maleeshiyaad ka qeyb qaadanaya howlgalka ka bilaabanaya Galmudug ayaa la diyaariyay, ciidankan ayaa la sheegay kaliya in ay sugayaan amarka madaxweyne Xasan Sheekh si ay howlgalka u bilaabaan.

Howlgalkan oo loogu magac daray Libaax madow ayaa qorshuhu yahay in Al Shabaab looga saaro degmooyinka Ceelbuur, Galhareeri iyo deegaannada hoostaga, oo ay hadda maamulaan dagaalamayaasha Al Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u tagay magaalada Dhuusomareeb hoggaaminta howlgalka la doonayo in Al Shbaaab looga saaro deegaannada Galmudug, waxaana la sheegay madaxweynaha in halkaasi joogi doono inta howlgalka uu socdo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hormuud oo $100,000 ugu deeqday abaaraha ka jira Deegaanada Jubbaland (Sawirro)

Cabdi Cade

Shirkadda Hormuud oo War ka soo saartay qaraxii lagu laayey shaqaalaheeda (Akhriso)

Caydiid Ali

Xoogsato ka shaqeysta kaawada oo dil iyo dhaawac loogu geystay gobolka Woqooyi bari Kenya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---