Allbanaadir.com
NEWS

Nin xaaskiisa muddo 12-sanno ah ku dhax xabisay guri oo xabsi la dhigay

Ciidamada booliiska dalka Jarmalka ayaa xabsiga dhigay nin u dhashay dalkaasi, oo lagu eedeeyay in muddo 12-sanno ah ku qasbay xaaskiisa in aysan bannaanka uga bixin guriga ay degnaayeen.

Ninkan la xiray iyo xaaskiisa oo labadaba kasoo jeeda dalka Jarmalka ayaa deganaa dalka Faransiiska, waxaana gurigii ay degnaayeen u dhacay ciidamo booliis ah ,kuwaa oo ninka soo xiray baarisna ku bilaabay.

Booliiska ayaa markii ay guriga tageen waxa ay halkaasi ugu tageen haweeneyda oo madaxa ka xiiran ayna ka muuqdaan duruufo, waxa ayna ka qaadeen wareysiyo ku aadan xaalada ay ku nooleyd.

War kasoo baxay booliiska dalka Faransiiska ayaa lagu sheegay in qolka jiifka lagu hareereeyay silig si aysan uga baxsan haweeneydan, waxa ayna booliiska xireen ninka qabay haweeeydan oo lagu eedeeyay afduub iyo dambiyo kale..

Lamaanahan deriskooda oo ay booliisku wareysteen ayaa sheegay in aragtida haweeneyda ay ugu dambeysay 10 sano kahor ayna u heysteen inay dhimatay amaba meesha ka guurtay, halka kuwa kalana sheegeyn in mararka qaar maqli jireen ooyinta haweeneydan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Shiinaha oo Dowlada Somalia ku wareejiyey dhaqaale loogu talao galay..

Caydiid Ali

Shir u dhaxeeya Madaxda DF ,maamulada qaar iyo Beesha Caalamka oo ka socda Villa Somalia

Cabdi Cade

Al Shabaab oo Weerar gaadmo ah ku qaaday ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---