Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Xogta kulan dhexmaray Guuleed & La taliyaha sare ee Dowlada Mareykanka

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maanta la kulmay Mudane Hamse Warfa oo ah Lataliyaha sare ee dimuqraadiyada iyo Xuquuqul Insaanka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Mareykanka.

Waxay ka wada hadleen Xaalada Guud ee Dalka gaar ahaan Arrimaha Somaliland iyo sida ugu haboon ee Dowlada Mareykanku uga qaadan karto xoojinta wadahadalka lala galayo.

Ergayga ayaa uga Mahadcelinayay Mudane Xamze iyo dhammaan Masuuliyiinta Soomaaliyeed ee xilalka ka haaya dunida inteeda kale, Sida wanaagsan oo ay dadkooda iyo dalkooda u garab taagan yihiin, Indhaha caalamkana ugu soojeediyaan Markasta, si Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ugu guuleystaan dhismaha Qaran weyn oo Aduunka wax la qeybsada.

Lataliyaha sare ee dimuqraadiyada iyo Xuquuqul Insaanka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Mareykanka Xamse Warfaa oo maalmahan booqanaya Muqdisho ayaa kulamo kala duwan la qaatay madaxda sare ee DF iyo masuuliyiin kale.

Related posts

Wararkii ugu dambeeyey dagaaladii ka socday Magaalada Laascaanood

Caydiid Ali

Khilaaf xooggan oo mar kale soo kala dhax galay Madaxweynaha Hirshabelle iyo kuxigeenkiisa

Cabdi Cade

(Sawirro) Khasaaraha qaraxyadii ka dhacay nawaaxiga isgoysyada Zoope oo sii kordhaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---