Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Go’aano ka soo baxay shir ay yeesheen Wasiirka amniga, Duqa Muqdisho & taliyeyaal ciidan

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cali Doodishe iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan ku saabsan dardargelinta amniga Caasimadda iyo Dagaalka ka dhanka ah al-shabaab iyo Maandooriyaha la qaatay Saraakiisha Laamaha kala gedisan ee Amniga iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Kulankaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin, Taliska Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Ciidanka Xasilinta Caasimadda ee Police Millitary iyo dhamaan saraakiisha ka shaqeysa Laamaha Amniga Caasimadda Muqdisho.

Shirkaan ayaa la isla qaatay in la dardargeliyo Awaamiirtii horey ugu soo baxay Madaxda Dowladda oo ay ugu horeyso Xakameynta Hubka iyadoo qofkii ku xadgudubta lala tiigsan doonno Maxkamadaha ku shaqada leh, Dagaalka ka dhanka ah al-shabaab, Maandooriyaha,  Wacyigelinta Bulshada iyo in la xoojiyo Wada-shaqeynta ka dhaxeysa Bulshada iyo Laamaha Amaanka.

Ugu daneyn shirkaan ayaa lagu amaanay Doorka Hogaamineed ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee dagaalka ka dhanka ah al-shabaab si dagaalkaasi loogu guul gaarana ay muhiim tahay in Bulshada caasimadda ee doorkooda ka qaataan dagaalka lagula jiro al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo shaacisay xiliga dib loo furayo iskuulada & Jaamacadaha dalka

Caydiid Ali

Madaxweynaha Somaliland oo Dhabmaal u diray dowlada iyo Shacabka Mareykanka

Cabdi Cade

Shirkada Qatar Airways oo Duulimaad toos ah bilaabeysa Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---