Allbanaadir.com
NEWS

War cusub oo kasoo kordhay weerarkii lagu qaaday goob ay ku shirayeen Saraakiil katirsan Al Shabaab

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helayay ciidamada Mareykanka ayaa 5-tii bishan weerar dhinaca cirka ah ku qaaday deegaanka Qoob Yaxaaas, oo qiyaastii 80-km dhinaca galbeed kaga beegan degmada Buula Burte ee gobolka Hiiraan.

Wakaaladda wararka u faafisa dowladda Soomaaliya ayaa baahisay in weerarkan lagu beegsaday goob lagu daweeenayay dhaawacyada dagaalyahnno badan oo katirsan Al Shabaab, kuwaa oo kusoo dhaawacmay deegaanno kala duwan oo dalka kuyaalla.

Sonna ayaa sheegtay in xilliga weerarku dhacayay ay halkaasi shir ku lahaayeen saraakiil katirsan Al Shabaab oo ka arrinsanayay sidii laga yeeli lahaa dhaawacyo badan oo deegaankaasi lagu daweenayay, kuwaa oo qaarkood ku jireen kuwa cul culus.

Goobta la weeraray ayaa la sheegay in lagu daweenayay in ka badan 100-dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab, waxa ayna dhaawacyada ku jireen teendhooyin la sheegay in laga dhisay deegaanka Qoob Yaxaas.

Wakaaladda Sonna oo soo xigatya saraakiil dowladda katirsan ayaa ku warantay in weerarka lagu qaaday goobtaasi lagu dilay 45 xubnood oo katirsan kooxda Al Shabaab ,ay ku jiraan qaar kamid ah saraakiishii shirka u socday.

Weerarkan ayaa dhacay xilli dowladda Soomaaliya wado abaabulkii ugu dambeyn howlgalo la doonayo in Al Shabaab looga saaro deegaanno iyo degmooyin gacantooda ku jira oo katirsan maamulka Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Sidee Ku Timid in Madasha Qaran ay Hal Xisbi iyo Hal Murashax Yeelato 2020?

Cabdi Cade

Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada qarax ka dhacay gudaha Kenya

Cabdi Cade

Weerar saaka ka dhacay degaanka Bood ee gobolka G/gaduud

Caydiid Ali
Taboola Ads ---