Allbanaadir.com
NEWS

Odayaal kasoo jeeda beesha Murusade oo Xasan Sheekh kala hadlay arrin muhiim ah

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay magaalada Dhuusomareeb kula kulmay odayaal kasoo jeeda bariga gobolka Galgaduud , kuwaa uu kala hadlay howlgallada la filayo in dhawwaan bilowdo.

Xasan Sheekh ayaa odayaasha u sheegay in la diyaariyay ciidankii xureyn lahaa degmooyinka Ceelbuur, Galhareeri iyo deegaannada hoostaga, waxa uuna madaxweynaha xusay in la dejiyay istaraatiijiyadii lagu xureyn lahaa degmooyinkaasi.

Sida aan xogta ku helnay odayaasha beesha Murusade oo si gaar ah ula kulmay madaxweynaha ayaa kala hadlay sidii kaalin muuqata beesha uga qaadan laheyd howlgallada lagu xureynayo deegaannada beesha degto.

Madaxweynaha ayaa u sheegay odayaasha in looga fadhiyo marka la xureeyo deegaannada iyo degmooyinka beesha degto in la helo ciidamo deegaanka ah iyo sidii looga shaqeyn lahaa dadka in dib loogu soo celiyo deegaannada Al Shabaab laga saaro,

Odayasaha la kulmay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ballanqaaday in ay ka shaqeyn doonaan abaabulka ciidamo deegaanka ah , waxa ay sidoo kale madaxweynaha ka codsadeen in dowladda diyaariso kaalmooyin la gaarsiiyo dadka deegaanka ku dhaqan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Bambo lagu tuuray Goob uu ku sugnaa Ra’isul Wasaare Fumio Kishida iyo Kala carar dhacay

Cabdi Cade

Shiikh Shariif: “Masiirka ummadu uma afduubnaan karo ashkhaas kursiga inay sii joogaan raba”

Caydiid Ali

(Akhriso Magacyada) Golaha Wasiirada cusub ee Somalia oo dhameystiran

Caydiid Ali
Taboola Ads ---