Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal xooggan oo ka socda magaalooyin kuyaalla Itoobiya iyo garoomo diyaaradeed oo …

Dagaallo xooggan oo u dhaxeeya ciidamada milatariga Itoobiya iyo maleeshiyaad deegaanka ah oo kasoo jeeda gobolka Amxaarada ayaa ka socda magaalooyin kuyaalla ismaamulka Amxaarada.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in ay maqlayaan rasaas culus ay is dhaafsanayaan ciidamada milatariga iyo maleeshiyaadka kasoo horjeeda, waxaana lasoo sheegayaa in maleeshiyaadka hubeysan qabsadeen xarumo badan oo dowladda joogtay.

Warbaahinta taageerta maleeshiyaadka mucaaradka ayaa ku waramaya in ay qabdsadeen xarumo muhiim ah ay ku jiraan garoomo diyaaradeed, waxa ay sidoo kale sheegeen in ay kusii siqayaan qabsashada xarunta telefishinka Qaranka.

Duulimaadyada magaalooyin waa weyn oo kuyaalla gobolka Amxaarada ayaa hakkad galay, kaddib markii maleeshiyaadka hubeysan ku dhawaadeen garoomadaasi , waxaana socda barakac xooggan deegaannada qaar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hay’adda Nabad Sugida oo maanta taliye la’aan noqoneysa iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo sheegay in Soomaaliya ay ka baxday liiska waddamada qaamaysan

Cabdi Cade

Saraakiisha socdaalka DF oo nin caan ah ku xanibay garoonka Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---