Allbanaadir.com
NEWS

Xiliga kama dameysta ah ee loo qabtay Milateriga qabsaday Niger oo dhamaaday (Sawirro)

Kumanaan taageerayaasha afgambiga ah ee Niger ayaa Axaddii isugu soo baxay garoon ku yaala caasimadda Niamey, iyadoo sida muuqata aysan niyad jabin hanjabaada faragelinta militari ee uga imaaneysa urur goboleedka Galbeedka Afrika, xilli uu manta ku egyahay waqtiga kama dambaysta ah ee loo qabtay in lagu soo celinayo Madaxweynihii xilka laga tuuray.

Waddooyinka Niamey waxaa sidoo kale ka dhacay bandhigyo teel-teel ah oo lagu taageerayo ciidamada milateriga, kuwaasoo lagu sheegay in aysan aqbali doonin cadaadis dibadeed. Mana jirin calaamado mucaaradnimo ah.

Inqilaabkii toddobaad ee galbeedka iyo bartamaha Afrika muddo saddex sano ah ayaa ruxay gobolka Saaxil oo ka mid ah kuwa ugu saboolsan adduunka. Marka la eego qaninimada Yuranium-ka iyo saliidda iyo doorka muhiimka ah ee ay ku leedahay dagaalka ay kula jirto xagjiriinta Islaamiyiinta, Niger waxay muhiimad u leedahay Maraykanka, Yurub, Shiinaha iyo Ruushka.

Mashxarad farxadeed ayaa lagu soo dhawaynayay jumlad kasta oo uu u akhriyay wakiil ka socday maamulka cusub oo la hadlay dadweynihii isugu soo baxay garoonka, kuwaasoo ku nuuxnuuxsaday sida ay uga go’an tahay ciidamada milatariga ah in ay xukunka sii hayaan.

“Xoogagga mugdiga ku jira ee ka soo horjeeda horumarka Niger waxay ku dhuumanayaan hooska,” Maxamed Toumba ayaa yiri

Madaxda Difaaca ee Ururka ECOWAS ayaa ku heshiiyey tallaabo milateri oo ay ku jiraan goorta iyo goobta laga qaadayo, haddii aan la sii dayn Madaxweynaha xiran, Mohamed Bazoum, dibna loogu soo celin shaqadiisii Axadda.

ECOWAS kama aysan jawaabin codsi ku saabsan waxa ay noqon doonto tillaabooyinka xiga, hase ahaatee Afhayeen u hadlay ayaa sheegay in ay bayaan ka soo saari doonaan dhamaadka maalintaas.

“Dadka Niger waxay fahmeen in Imbaraadooriyeyaashan ay rabaan inay keenaan geerideena. Illahay idankiina, iyagaa ahaan doona kuwa u dhibtoonaya,” ayuu yiri Amadou Adamou oo sarkaal hawlgab ah oo ka tirsan Milateriga Niger.

Hanjabaadda millatari ee ururka ayaa kicisay cabsi laga qabo iska horimaadyo hor leh oo ka dhaca gobolka oo horey ula dagaallamayay kooxaha Islaamiyiinta oo ay ku dhinteen kumannaan qof, malaayiin kalena ay ka qaxeen.

Faragelin kasta oo militeri waxa ay noqon kartaa mid adag marka loo eego ballan qaad ka yimid ciidamada militariga ee ka jira dalka deriska la ah ee Mali iyo Burkina Faso oo balan-qaaday iney difaaci doonaan Niger haddii loo baahdo.

Related posts

Muxuu Cali Guudlaawe u balan-qaaday shacabka degaanka Kalshaale? (Sawirro)

Caydiid Ali

Q/Midoobay oo War ka soo saartay xaalad adag oo ka taagan Magaalada Gaza

Caydiid Ali

Trump iyo Hassan Rohani oo Hanjabaadyo culus hawada isku mariyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---