Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Deni oo khadka telefanka kula xiriiray hogaanka cusub ee loo doortay SSC

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, waxaa uu maanta Khadka taleefanka Kula hadlay Hoggaanka cusub ee Guddiga SSC, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-CaliĀ  (Firdhiye).

Deni ayaa ugu hambalyeeyey Firdhiye hogaanka cusub ee loo doortay isagoo Bogaadin iyo mahadcelin kadib, kala hadlay sidii loo adkeyn lahaa difaaca gobolka Sool.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, waxaa uu maanta Khadka taleefanka Kula hadlay Hoggaanka cusub ee Guddiga SSC, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-CaliĀ  (Firdhiye). Bogaadin iyo mahadcelin kadib, waxay ka wadahadleen sidii loo adkeyn lahaa difaaca gobolka Sool” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

Cabdulqaadir Axmed Aw Cali oo loo yaqaan Cabdulqaadir Fidhiye waxaa loo doortay shalay Hogaanka SSC ka dib markii ay u codeeyeen 30 ka mid ah 45-ka xubnood ee uu ka kooban yahay Golaha dhexe.

Hogaankan cusub ayaa la wareegaya dhamaan maamulka SSC oo awal madaxda dhaqanka dusha ka saarnaa iyo guddiga 33-da ahaa oo haatan hawshoodii dhamaatay.

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo beri fasaxday Shaqaalaha kala duwan ee Dowlada

Cabdi Cade

Siyaasi Soomaali ah oo Wasiir muhiim ah ka noqday dowalada Tanzaaniya

Cabdi Cade

Puntland oo goordhaw shaacisay doorashada 16-kursi oo katirsan gollaha shacabka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---