Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddoomiye Madaale oo ka hadlay dhacdooyin maalmahan ku soo kordhay Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose Xamar ayaa ka hadlay dhacdooyin dhulka la xariira oo maalmihii la soo dhaafay ka taagan Caasimadda.

Guddoomiye Madaale ayaa Ugu horeyn ka hadlay  dhulka Kaasa Italia ee degmada Xamarweyne,oo uu sheegay in dhulkaa uu lahaa Talyaaniga, ayna hadda soo dalbaday safaaradda dalkaas, isla-markaana ay rabto inay ku shaqeyso dhulkaasi.

“Arrinta Kaasa Italia sida aan la socono waxaa iska leh Talyaaniga safaaradda Talyaaniga warqadda ay soo dirtay waa taas, sidaas darteed waxay dalbadeen in loo banneeyo, marka Kaasa Italia shaqsina ma laheyn cid gaar ah oo laheydna ma jirto” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Waxaa  kale uu Guddoomiyaha ka  hadlay  muran dhul oo isna ka socda deegaanka Gubadley iyo Xaafadda Waxar-Cadde , isagoo sheegay inay la socdaan qaylo dhaanta kasoo yeertay dhulalkaasi, wuxuuna xusay in qof welba oo cabasho ah uu caddaalada u doonto garsoorka.

Sidoo kale waxa u sheegay Guddoomiyaha in maamulka uu sameeyay xafiis u gaar ah cabashooyinka cidii cabasha qabataana ay tahay in ay la xariirto si loo dhageysto.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay Dhulka Warshadda Isbuunyada ee ku dhow xeyndaabka garoonka Aadan Cadde, halkaa oo dadkii daganaa laga raray,isagoo sheegay in warqayad ay usoo diray hay’adda duulista rayidka ah, isla-markaana ay dalbaday in halis amni ay uga imaan karto halkaasi, kadibna uu amray in laga raro barakacayaasha lana dajiyo meel kale balse uusan ka jirin waxa dhul boob.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo la kulmay Masuuliyiin katirsan dowlada Imaaraadka (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Wasiir Sabriye & Xaliimo Yarey oo sheegay in wax laga bedelay Sharciga Axsaabta Siyaasadda

Caydiid Ali

Ciidamada Maraykanka oo duqeymo khasaare geystay ka fuliyey degmada Jilib

Caydiid Ali
Taboola Ads ---