Allbanaadir.com
NEWS

Guddiga Horumarinta adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka oo guddoon doortay

Gudoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 8-aad ee guddiga horumarinta adeegga bulshada ee Golaha Shacabka BJFS 11-aad.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ahaa, doorashada guddoomiye ku-xigeenka iyo xoghayaha guddiga horumarinta adeegga bulshadda ee Golaha Shacabka BJFS 11aad.

Intaa kadib, waxaa laguda galay,Doorashada Gudoomiye ku-xigeenka Guddiga, waxaana isku soo sharaxay, Mudane Xil.Maxamed Cusmaan Cumar Naastaro, ayadoo la waayay cidla tartanta.

Sidaa awgeed,waxaa loogu codeeyay hab gacantaag ah, sidaasina waxuu ku noqday.
Gudoomiye ku-xigeenka Guddiga Horumarinta adeegga bulshada.

Dhanka kale, isla goobta waxaa hab gacantaag ah loogu codeeyay inuu noqdo xoghayaha guddiga Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Naddiif.

Ugu dambeyn, Gudoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka ayaa kula dardaarmay.
inay xoojiyaan wadashaqeynta iyo dardar -gelinta howlaha hor-tebinta u leh guddiga horumarinta adeegga bulshada ee Golaha Shacabka BJFS 11aad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Joe Biden ka aragaxay dil loo geestay wiil lix sanno jir Falastiini ah

Cabdi Cade

Dowladda Somalia gacanta ku dhigtay shabakad ka dambeysay Weerarkii Hotelka SYL

Caydiid Ali

Cali Guudlaawe iyo wafdi uu horkacayo oo si diiran loogu soo dhoweeyey Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---