Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo siyaasadeed iyo abaabul dagaal kawada Dhuusomareeb

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa halkaasi kawada kulamo siyaasadeed iyo abaabul howlgalka wajiga labaad.

Xasan Sheekh ayaa la kulmay madaxda sare ee maamulka Galmudug, taliyaha nabad sugida Mahad Salaad oo horey ugu sugnaa Dhuusomareeb, wasiirro iyo xildhibaanno heer federaal oo ku sugan magaallada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa madaxda uu la kulmay kala hadlay intooda badan xaalada deegaannada Galmudug, gaar ahaan bilaabashada wajiga labaad howlgalka la doonayo in Al Shabaab looga saaro deegaannada ay ka joogaal Galmudug.

Sida aan xogta ku helnay Xasan Sheekh ayaa xubnaha uu la kulmay u sheegay in ay ka goántahay in lasoo gaba gabeeyo xoogaga Al Shabaab ee wali ku sugan deegaanno iyo degmooyin katirsan Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale kala tashanaya xildhibaannada kasoo jeeda deegaannada howlgalka ku wajahan yahay bilaabashada wajiga labaad ee howlgalka la doonayo in Al Shabaab looga saaro bariga Galgaduud.

Taliyaha ugu sareeya ciidanka qalabka sida ahna madaxweynaha dalka Xasan Sheekh ayaa la sheegay in Dhuusomareeb joogi doono maalmo badan uuna halkaasi ka hoggaamin doono howlgalka la doonayo in Al Shabaab looga saaro deegaannada Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Akhriso: War Saxaafadeed xasaasi ah ay soo saareen Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo ka hadashay nin ajnabi ah oo lagu xiray garoonka Aadan cadde

Caydiid Ali

Xuska sanad-guurada Aasaaskii Puntland oo markii ugu horeysay lagu qabtay Gaalkacyo (Sawirro)

Caydiid Ali