Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweynihii xukunka laga tuuray ee dalka Niger oo soo diray fariin cusub

Hogaamiyihii xilka laga tuuray ee Niger Maxamed Bazoum ayaa ka dalbaday Mareykanka iyo beesha caalamka oo dhan inay gacan ka geystaan ​soo celinta nidaamka dastuuriga ah kadib afgambigii todobaadkii hore lagu sameeyey.

Qoraal lagu qoray wargeyska Washington Post, ayuu Madaxweyne Maxamed Bazoum ayaa Waxa uu sidoo kale ka digay in gobolka uu ku sii dhici karo saameynta Ruushka, iyadoo loo sii marayo kooxda Wagner oo horay uga shaqeysay dalalka deriska ah.

Waxaa gebogebo ku dhow waqtiga kama dambaysta ah ee todobada maalmood ah ee madaxda galbeedka Afrika ay siiyeen militariga Niger si ay dib ugu soo celiyo madaxweynihii la afgambiyay, waxaana laga suhayaa goa’aanada ay qaadan doonaan.

Fiidnimadii Axadda ee la soo dhaafay, ururka Ecowas ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Bola Tinubu ee dalka deriska la ah Nigeria, ayaa sheegay in milatariga uu haysto toddobaad uu ku soo celiyo nidaamka dastuuriga ah ama uu wajihi doono isticmaalka suurtagalka ah ee awood milatari.

Cunaqabatayn ayaa lagu soo rogay hogaamiyayaasha afgambiga sameeyay, waxaana la jaray korantadii ka iman jirtay Nigeria, iyadoo xuduudaha laxiray taasoo la macno ah in badeecadaha aanay imanaan karin gudaha dalkaas, isla markaana dalka oo aan bad lahayn uu waayay jidad ay badeecaduhu u soo maraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muran ka dhashay odayaasha soo xulaya Xildhibaanada Jubbaland & Dibad baxyo waa wayn oo Lagu tagerayo !!

admin

Dayuurad ku burburtay garoonka Bali-doogle iyo AMISOM oo War ka soo saartay

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo la guddoonsiiyay Deeq Lacageed oo dhan 50 kun oo Dollar

Cabdi Cade