Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Goob ay shir ku lahaayeen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo cirka laga duqeeyey

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Mareykanka ayaa duqeyn ka fuliyay deegaanka Qoob Yaxaas ee Gobolka Hiiraan halkaasoo ay joogeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Hawlgalkan waxaa lagu beegsaday Xarun weyn ay al-shabaab ku laheyd deegaankaas, xili uu halkaas shir uga socday saraakiil ka tirsan al-shabaab sida warbaahinta DF sheegtay.

“Waxaa halkaas weerar ku qaaday Ciidanka Xoogga Dalka, Waxaana kasoo gaaray khawaarijta dhaawac iyo dhimasho fara badan” ayaa lagu yiri war laga sii daayey warbaahinta DF.

Ciidanka Xoogga iyo saaxiibadooda ayaa sheegay inay burburiyaan goobtaas isla markaana halkaas lagu laayey xubnihii ku shirayay.

“Waxaa sidoo kale la gubay labo gaari oo ay wateen horjoogayaashii Khawaarijta ee halkaas ku shirayay” ayaa lagu yiri warka laga sii daayey warbaahinta dowlada.

Ugu yaraan 30 qof ayaa la sheegay iney ku dhinteen duqeyntan halka uu dhaawacana marayo 50 kale waxaana ku jira dadka dhintay madax ka tirsaneyd al-shabaab sida ay sheegtay warbaahinta dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sweden oo dacwad kusoo oogtay shaqsiyaad lala xiriiriyay Daacishta Soomaaliya

Cabdi Cade

(Sawirro) Rooble oo Qaahira kula kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Qoorqoor iyo wafdi uu horkacayo oo caawa yimid Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---