Sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay shaki xooggan ayaa soo kala dhex galay xisbiga UPD ee Madaxweyne Xassan Shiikh iyo Xisbiga Daljir ee wada dhisay dowlada Somalia sannad ka hor.
Xisbiga Daljir oo mucaarad ahaa muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xassan Shiikh ayaa haatan saddex Wasiir ku leh Golaha xukuumada, kuwaasoo kala ah Wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Caddaalada, Xassan Macalin, iyo Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Somalia Abshir Bukhaari.
Shakiga soo kala dhex galay labada xisbi ayaa yimid ka dib markii Xisbiga Madaxweynaha ay ka war heleen warar sheegaya shirar hoose oo u socda xubnaha xisbiga daljiir, kuwaasoo looga arrinsanayo sidii shaqsi ka tirsan xisbigaas loogu diyaarin lahaa loolanka doorashada soo socota ee Madaxweynaha Galmudug.
Arrintaas ayaa la sheegay iney walaac badan ku abuurtay Madaxweyne Xassan Shiikh oo haatan ka fekeraya talaabadii uu ka qaadi lahaa ragga ka tirsan xisbiga Daljir ee ku jira Xukuumada, iyadoo wararka qaarna sheegayaan in Madaxweynuhu ka fekerayo talaabooyin ay ka mid tahay isku shaandheyn lagu sameeyo Golaha Wasiirada si meesha looga saaro xubnaha Daljir ee awooda ku leh Xukuumada.
Inkastoo uusan jirin shaqsi illaa hadda la hadal hayo haddana damaca Xisbiga Daljir ee ku wajahan doorashada soo socota ee Galmudug ayaa la sheegay inuu caqabad ku yahay qorshaha Madaxweynaha ee hogaanka soo socda ee Galmudug.
Xassan Shiikh ayey wararka qaarkood sheegayan inuu xilka Madaxweynaha Galmudug u diyaarinayo mid kamid ah saaxiibada u dhow oo ka tirsan Xisbiga UPD, saaxiib dhowna la ah inkastoo wax kasta ay dib iska bedeli karaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com