Waxaa mar kale baaqday shir uu isugu yeeray Madaxweynaha Soomaaliya in ay isugu yimaadaan Madaxda is khilaafsan ee maamulka Galmudug, waxaana shirkan horey loo qorsheeyay in uu dhaco maanta oo Isniin ah.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qoraal uu dhawaan soo saaray ugu baaqay Madaxda maamulka Galmudug in ay isugu yimaadaan shir lagu dhax dhaxaadinayo 24-ka bishan oo ka dhacaya magaalada Muqdisho.
Shirkan uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo waxaa kasoo horjeestay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf oo sheegay in xalka Galmudug aheyn kaliya in lagu shiro magaalada Muqdisho.
Baaqa Madaxweynaha waxaa dhanka kale ogolaaday Madaxweyne kuxigeenka maamulka Galmudug iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, waxaana xusid mudan in xubnaha shirka ogolaaday naftooda aysan joogin Caasimada.
Shirka baaqday uu ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa noqonaya kii labaad ee bishan gudahood ku baaqo Farmaajo hadana baaqda, waxaa horey u baaqday Shir uu isugu yeeray Madaxweynaha in ay kasoo qeyb galaan Madaxda maamul goboleedyada.
Baaqashada shirarka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo ayaa sabab looga dhigayaa khilaafka xoogan ee xiligan ka dhax aloosan dowlada Federaalka Soomaaliya uu Hogaamiyo iyo Isbaheysiga Madaxda Maamul goboleedyada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com