Allbanaadir.com
NEWS

Madaxda Jubbaland iyo dowlad deegaanka oo arrimo muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar shaqo ku jooga magaalada Godey ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida mudane Mustafe Muxumed Cagjar.

Kulankan dhax maray madaxda labada maamul ayaa inmtii uu socday waxaa looga wada hadlay iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga iyo fududeynta isu socodka bulshada ku kala dhaqan Jubbaland iyo dowlad deegaanka.

Madaxda Jubbaland iyo kuwa dowlad deegaanka ayaa sidoo kawada hadlay sidii looga wada shaqeyn lahaa adkeynta ammaanka xadka ay wadaagaan labada dhinac iyo sidii ay iskaashi uga yeelan lahaayeen arrimo kala duwan.

Maamulka Jubbaland oo sannadihii lasoo dhaafay dibad joog ka ahaa gobolka Gedo ayaa dhawwaan madaxweyne kuxigeenka maamulkaasi gaaray degmooyinka Gedo, waxa uuna hadda uga sii gudbay dowlad deegaanka uu dhowr maalmood ku sugnaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tirada dadka uu dunida ku asiibayo & kuwa u dhimanaya Coronavirus oo sii kordheysa

Caydiid Ali

Xildhibaanno iyo Saraakiil caan ah oo tagay furumaha dagaalka (Sawirro)

Cabdi Cade

(Akhriso) Somaliland oo mamnuucday in degaanada hoos taga laga daawado SNTV

Caydiid Ali
Taboola Ads ---