Allbanaadir.com
NEWS

Amarro ku socda shacabka degan goobaha ay Al Shabaab ka joogaan Galgaduud oo lasoo saaray (Sawirro)

Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka lagu xoreeynayo gobolka Galgaduud oo kulan ay ku yeeshay duleedka magaalada Galcad, ayaa waxa ay soo saareen amarro ku socda shacabka ku sugan deegaanada uu howlgalka ka socdo iyo kuwa dhulka ay dagan yihiin uu ku wajahan yahay howlgalka.

Kulankan oo uu shir gudoominayay taliyaha Guutada 18aad ee kumaandooska Gorgor Bashiir Cumar Cabdullahi ayna goobjoog ka ahaayeen taliye ururada kumaandooska Gorgor, Danab iyo saraakiisha hogaaminaysa ciidanka deegaanka ayaa waxa kasoo baxay qodobadan.

1-In aysan la macaamilin Al Shabaab shacabka, si ay uga badbadaan duqaymaha iyo dagaalada ku wajahan Al Shabaab.

2- in ay shacabku ka fogaadaan goobaha Al Shabaab joogto, si ay uga nabad galaan Duqeymaha iyo dagaallada.

4-In ay la shaqeeyaan ciidanka oo soo gudbiyaan xogaha Al Shabaab ,iyadoo la qarinayo xogtooda.

5-Shacabka ku nool goobaha ay howlgalada ka socdaan ee gobolka Galgaduud iyo kuwa deegaanadooda lagu socdo, ha u diyaar garoobaan in ay iska dulqaadaan kooxda Al Shabaab.

Related posts

Shiikh Shaakir oo shaaciyey xeelad cusub oo looga hortegi karo fikirka Al Shabaab

Caydiid Ali

Ciidamada AMISOM oo baaray hoolka lagu qabanayo Doorashada ee Jowhar (Sawirro)

Cabdi Cade

Xaafadda Qof walba uu Xarig ku dulsocon karo iyo Waxa ku dhaliyay !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---