Magaalada Muqdisho waxaa waayihii dambe kusoo batay burcad isugu jira rag iyo dumar oo xadaya xoolaha nool gaar ahaan Ariga iyo Idaha, waxa ayna burcadan adeegsadaan xeelado kala duwan ay ku xadaan xoolaha.
Dadka xoolaha dhaqda gaar ahaan ariga ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa walaac xoogan ka muujiyay burcadan usoo shaqo tagtay in ay xadaan xoolahooda, gaar ahaan waxa burcadan ay xadaan neefafka dhaqaaleesan ee la qali karo ama gadmi kara.
Burcadan ayaa inta badan wata mooto bajaaj kuwaa inta jidadka ka qabsadaan xoolaha horey mootada ugu sii rita, halka kuwa kalana ay xoolaha dhagta ka qabsadaan iyaga oo iska dhigaya kuwa iska leh.
Xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa mararka qaar ku arkeesaa dad raadinaya xoolo ka maqan, waxaana dadkan iska quustaan markii ay waayaan xoolahooda maalin waxii ka badan halka markii hore la baafin jiray ama la raadin jiray maalmo badan.
Burcada ayaa xoolaha ay xadaan u iib geeya suuqyo ka baxsan goobta ay ka xadaan, halka inta badana ay qalaan oo u iibgeeyaan suuqyo kuyaala magaalada Muqdisho gaar ahaan Suuq kuyaala beerta Jaadka ama Seybiyaano.
Halka lagu iibiyo hilibka xoolaha la xado ayaadan ku arkeyn maqaarka ama madaxa neefka la qalay si aan loo aqoonsan, waxaana hilbaha xoolaha lasoo xaday goobaha lagu iibiyo yihiin kuwa ka raqiisan xoolaha kale ee ganacsi ahaanta loo qalo loona iibiyo.
Shacabka magaalada Muqdisho ayaa sheegay in burcada dadka dhaca iyo kuwa xoolaha xada kusoo bateen magaalada Mudisho waxii ka danbeeyay markii magaalada kusoo bateen Mooto bajaajta oo sahashay dhaca xoolaha iyo moobeelada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com