Muslim ‘naftii-hure ah’ oo badbaadiyay nolosha 17 qof oo cunug yar ku jiro!
Murugo ka timid musiibo daran ayay noqon lahayd, laakiin mahad Eebbe ka sokow, da’yar Muslim ah ayaa ku guuleystay inuu kasoo badbaadiyo 17 qofood oo uu ku jiro dhallaan yar gudaha guri dab qabsaday.
Izzeddin Hamdi, oo foorno ku lahaa aagga ku dhow guriga uu dabku qabsaday ayaa halhaleel ku galay guriga isaga oo maareeyey inuu karaankiisa sameeyo wixii uu ku badbaadin karay.
Wuxuu dadkii ku jiray daarta uga soo daadgureeyey ‘uga soo saaray’ daaqadda kore ee guriga waxaana ku jiray cunug yar kahor inta aysan imaanin laanta adeegga dabdamiska.
Waxaa loo aqoonsaday halyeey, waxaana lasoo jeediyay inuu la guddoonsiiyo abaalmarinta ugu sarreeya dalka Faransiiska ee la siiyo dadka naftood hurayaasha ah.
Wuxuu ficilkiisa wanaagsan dad badan xusuusinayaa sheekadii Muslim kale oo sidan oo kale qabsaday warbaahinta Faransiis kadib markii uu badbaadiyay wiil yar oo kasoo dhici rabay dabaq.
Tusaalayaashuna aad bay u badan yihiin marka laga hadlayo Muslimiinta gargaar walaalnimo u sameeyey bulshooyinka ay la nool yihiin ama iyaga la nool.