Allbanaadir.com
NEWS

Gabar lagu soo daray Gole wasiiro oo saacado kaddib laga saaray iyo Muran ka dhashay !

Madaxweynaha dalka Nageria Bola Ahmed Tinubu ayaa meesha ka saaray magaca Maryam Shetty oo ah qofka baarlamanku ay ansixin lahaayeen wasiirnimadeeda, iyadoo lagu badalay xubno kale.

Guddoomiyaha aqalka sare ee senate-ka dalka Nageria , Senator Godswill Akpabio ayaa arrintan ku sheegay warqad uu madaxweynuhu u diray aqalka oo uu ka akhriyay fadhigii maanta.

Magacyada labada qof ee uu Madaxweyne Bola Tinubu u diray Aqalka waxaa ka mid ahaa Festus Keyamo iyo Dr. Maria Mairiga.

Sababta keentay in magaca Maryam Shetty laga saaro liiska wasiirada la doonayo in la ansixiyo ayaan weli la shaacin.

Wararka ayaa sheegaya in saaka aroortii ay xarunta baarlamaanka isugu soo baxeen koox dad ah oo kasoo jeeda Kano si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan xilka wasiirnimo ee loo magacaabay Maryam Shetty.

Arbacadii, Madaxweynaha Nigeria, Bola Ahmed Tinubu ayaa soo diray liiska labaad ee magacyada dadka uu doonayo in Baarlamaanka Qaranka uu tixgeliyo.

Shaacinta bedelka Maryam Shetty ayaa dhalisay doodo badan oo dhanka baraha bulshada ah, taasoo lagu muujinayo in ay mudantahay isla markaana ku haboontahay xilka wasiirnimo ee loo magacaabay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Baraf iyo qabow dad ku laayey qaar ka mid ah gobolada dalka Mareykanka (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowladda oo caawa shaacisay in duqeyn lagu laayay saraakiil iyo xubno badan oo katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

Faahfaahin: Dabley weerartay xarun ciidanka DF ku leeyihiin degmada Dayniile oo la qabtay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---